Golaha ammaanka ee Israa’iil ayaa ku taliyey maanta oo Jimce ah in la ansixiyo heshiiska kahor kulanka golaha wasiirrada.
Golaha ammaanka ee Israa’iil ayaa ku taliyay in la ansixiyo xabbad-joojinta iyo sii-daynta la haystayaasha ka hor kulanka golaha wasiirrada oo dhammaystiran gelinka dambe ee Jimcaha.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay in heshiis lagu soo celinayo la haystayaasha lagu haysto marinka Gaza la gaaray, taasoo dhabbaha u xaareysa xabbad-joojin ka dhacda dhulka Falastiin.
Wasiirka Amniga ee xagjirka ah, Itamar Ben Gvir ayaa sheegay in isaga iyo asxaabtiisa xisbigu ay ka bixi doonaan golaha wasiirrada Israa’iil, haddii ay u codeeyaan in la ansixiyo xabbad-joojinta Gaza iyo heshiiska la-haystayasha.
Dhexdhexaadiyayaal ka socda Masar, Qatar, Maraykanka iyo Israa’iil ayaa Jimcihii ku kulmay Qaahira si ay u dejiyaan “hababka” lagu dhaqangelinayo xabbad joojinta Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.
Xamaas ayaa maalmo kahor sheegtay inay aqbashay heshiiska xabad joojinta Gaza, kadib dagaal qaatey 15 bilood.