Golaha Aqalka Sare BJS oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda

Published: January 21, 2024

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda, waxaana codka kalsoonida siiyay 27 Sanatar, waxaa diiday laba Sanatar wax ka aamusana ma jirin.

Kulanka maanta ee sharciga Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda lagu ansixiyay waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labadaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.