Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka maalgashiga Soomaaliya

Published: July 17, 2024

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa Afaraad ,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Maalgashiga Soomaaliyeed oo uu soo diyaariyay guddiga ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo dood kulul ka yeeshay hindise sharciyeedkan ayaa diiradda saaray muhiimada uu wadanka u leeyahay iyo haddii uu miisaaniyad leeyahay, waxaana kulanka ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga iyo warashadaha ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Nuur Cusman ayaa sheegay inuu hindisahani miisaaniyadiisa wato maaddaamaa dooda xildhibaanadda ay ku qotontay miisaaniyadda hindise sharciyeedkan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in guddoonka golaha uu deg-deg u magacaabi doono guddi kasoo shaqeyn doona doodii xildhibaanadda kulankii kan ka horreeyay ay ka yeesheen dhismaha hay’adaha madaxa bannaan ee aan miisaaniyadda lahayn, si ay warbixintooda goloha ugu soo celiyaan isla markaana qaraar arintaasi ku saabsan goluhu soo saaro.