Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023

Published: November 20, 2022

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha waxaana ku wehliyanayey Guddoomiye ku-xigeenda Golaha.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta kulankooda lagu hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2023.

Miisaaniyadda sanadkan ee la horgeeyey Golaha ayaa ah wadarta guud $ 376,699,825 (sadex boqol todobaatan iyo lix malyan lix boqol sagaashaan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan doolar) taas oo ka badan Miisaaniyaddii sanadka 2022 korar dhan 6%. 

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Golaha ka hor jeediyey khudbad faahfaahsan oo ku aadan Miisaaniyadda, wuxuuna  Golaha Baarlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan. 

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha Wakiillada ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee sanadka 2023 ee ah dhaqaalaha laga filayo mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040.

Ugu dambayn Mudanayaasha Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2023.

Mudanaayasha fadhiga fadhiyey oo ahaa 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah oggol ugu codeeyeen 41 mudane, diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay soo gudbintii Wasaaradda Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda.

Horseed Media