Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey Miisaaniyada Dowladda ee Sanadka 2023-ka

Published: November 17, 2022
Shares8

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2023, Mashaariicda Bangiga Adduunka, Hay’adda baarista Hidda-sidaha, dardargelinta Doorashooyinka iyo warbixinta safar Wasaaradda Ganacsiga ku tagtay Gobolka Mudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey Miisaaniyada Dowladda ee Sanadka 2023 taasi oo dhan $376,699,825,.

Miisaaniyada loo ansixiyey sanadka fooda nagu soo haya ee 2023 ayaa boqolkiiba 6% ka badan marka la bar-bar dhigo sanadkii hore.

Horseed Media