Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga la dagaalanka Argagixisada

Published: February 1, 2023

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay laba Hindise Sharciyeed iyo heshiis is afgarad ganacsi.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayuu goluhu ku ansixiyay Sharciga La dagaalanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo heshiis iskaashi ganacsi oo Somaliya ay la gelayso Uganda.

Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in Sharciga La dagaalanka Argagixisada uu muhiim u yahay dalka, xilligan oo dalku uu ka socdo dagaalka ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka, ujeedkiisuna yahay in lagu wiiqo kooxaha argagixisada.

Afhayeenka ayaa yiri “Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiradu uu ansixiyay Hindise Sharciyeed kale oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha, oo la xiriira Socdaalka, kaasoo isna wax weyn ku soo kordhin doona Arrimaha Socdaalka.”

Horseed Media