Golaha Wasiiradda Jubaland Oo Ka Arrinsaday Saamaynta Roobabkii Da’ay

Published: November 23, 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay saameynta fatahaadaha iyo daadadka ka jira deegaanada Jubaland iyo gurmadka ay Dowladu wado.

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa laga dhageystay warbixinta xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada mashaqadu ay ka jirto iyadoo Sidoo kale wasaaradu ay warbixin golaha ka siisay gurmadka socda iyo taakulada dheeraadka ah ee loo baahan yahay.

Deegaannada Dowlad Gobaleedka Jubbaland waxaa saameen ku yeeshay Raababkii ka da’ay qaar ka mid ah gobollada dalka, iyada oo fatahaadaha Roobabka ay sababeen dhimashada ay gaareyso 55 qof.

Horseed Media