Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mootooyinka Bajaajta

Published: March 30, 2023

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta.

Qaraarka oo ka kooban ilaa dhowr qodob ayaa kala ahaa:

1. Laga bilaabo 1 April waxaa la hakiyay soo dajinta Mooto bajaajta, mootada labada lugood leh iyo Mooto gaarida, sido kale waxaa laga hortagayaa meel kasta oo laga soo dejeyo oo kamid ah dekedaha dalka ilaa amar danbe.

2. Ilaa 30 April waa in la tirikoobo mooto bajaajta Muqdisho sido kale waa in la midabeeyo oo loo sameeyo A & B, shaqadaasna waxaa qabanaya Maamulka Gobolka Benaadir.

3. Lama siin karo ruqsad ama leysan mooto qof da’diisu ka yartahay 18 sano

4. Laga bilaabo 1 May 2023 waxaa la joojinayaa bixinta taarikada mootooyinka ilaa iyo amar danbe.

Horseed Media