Guddi dhex-dhexaadin oo soo jeediyey in la isku sidko doorashooyinka Somaliland

Published: August 26, 2022
Shares18
guddiga dhexdhexaadinta somaliland

Guddi iskood isu xilqaamey oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland ayaa habeenkii xalay soo saarey go’aamo ku aadan is mari waaga arrimaha doorashada ee ka taagan Somaliland.

Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo akhriyey go’aamada ayaa sheegay markii ay dhinacyada oo dhan la kulmeen, wadatashi badana yeesheen ay soo saareen

  1. In la dadejiyo oo sida ugu dhakhsiyaha badan loo dhamaystiro ansixinta xubnaha ka dhiman komishanka doorashooyinka qaranka
  2. In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee Madaxweynaha iyo uruurada/xisbiyada.

Guddiga ganacsatada ee iskood isu xilqaamey ayaa sheegay in sababaha ay u soo jeedinayaan in doorashada la isku sidko ay tahay, duruufaha dhaqaale ee maanta Somaliland ka jira, abaaraha sicir-bararka ay ugu weyn tahay iyom, tusaale hore loo arkey in laba doorasho oo la isku sidkey si wanaagsan u qabsoontey.

Guddiga ayaa ugu baaqey xukuumadda, xisbiyada mucaaradka ururada siyaasadda iyo dhamaanba dadka reer Somaliland in ay goloyaasha sharci dajinta ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen.

Go’aanka ah in doorashada la isku sidko ayaa ah xalka labada dhinacba u hirgelin kara doonitaankiisa, inkasta Muuse Biixi madaxweynaha Somaliland uu doonayaa in doorashada ururada cusub la soo dadejiyo, kadib xisbiyada saddexda ah ee soo baxa doorashada madaxtooyada ay galaan, wuxuu aaminsan yahay in xisbiyada Ucid iyo Waddani uu ku reebi karo furitaanka urrada siyaasadeed, si uu tartanka ula galo siyaasi kale oo cusub oo xisbiyada cusub ka imaan doona.

Mucaaradku waxay doonayaan in doorashada Madaxweynaha xiligeedi lagu qabto Nofeembar 13, kadibna la qabto tan ururada siyaasadeed.

Go’aanka isku sidka ah ee doorashada, waxaa la aaminsan yahay in ay soo dhaweynayaan xisbiyada mucaaradka ah, laakiin ma muuqato in Muuse Biixi uu soo dhaweyn doono.

Kayse Adam
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *