Guddi Isku Dhaf Oo Loo Xilsaaray dhameystirka Sharciga doorashooyinka Qaranka

Published: March 1, 2020

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga diyaarinta xeerar dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga la Magacaabey oo ka kooban 17 Xubnood ayaa laga soo kala xulay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana ay ka Shaqeyn doonaan Qodobadaan soo socda. 

1:Xeerka Degaameynta Kuraasta

2: Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka

3: Xeerka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland)

4: Xeerka Xaquuqda matalaada gobolka Banaadir.

Guddigaan ayaa laga sugayaa inay wada shqeyn la yeeshaan Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka sidoo kale la tashi la sameeyeen cid kasta oo looga maari waayo tayeynta Xeerarkaan,sida Dowladda federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada,Daneeyayaasha Siyaasadda iyo Bulshada rayidka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *