Guddiga dib-u-dhiska Cusbitaalka Galkacayo oo soo Bandhigay Dhaqaalihii soo Galay-Sawiro

Published: January 3, 2017
sheekh Aadan Maxamed Cigaal,

Gudiga Dib udhiska isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo bandhigau dhaqaalihii soo gaarey gudiga tan iyo markii uu magacaabay madaxweynaha dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali.

sheekh Aadan Maxamed Cigaal, oo ah guddoomiye K/xigeenka guddiga ayaa sheegay in bisha labaad ee sanadkanuu bilaabanayo wajigii labaad dib-u-dhiska cusbitaalka, wuxuuna uga mahadceliyay dhammaan dadkii ka qaybqaatay taageerida cusbitaalka, oo uu sheegay inay dabooleen baahiyihii isbitaalka.

” Waxaan diyaarinay ingineeradii shirkadihii dhisi lahaa isbitaalka oo soo gudbistay tenderadoodii magacyadoodii waan soo gudbin doonaa gudiga wuxuu qabtay gudi kala saari doona shirkadahas ayuu sii raaciyay sheikh aadan maxamed cigaal.

Maama Caashe Geelle,

Ceesho Geele Diiriye oo kamida Gudiga dib dhiska isbitaalka guud ee gobolka mudug ayaa soo bandhigtay dhaqaalihii soo gaarey, waxayna uga mahad celisay jaaliyadaha Puntland iyo shaqsiyaadka wax bixiyay sidii ay uga qayb qaateen dib udhiska isbitaalka Gobolka mudug .

“Guud ahaan lacagta nasoo gaartay waa $226.534 wajigii hore dayactirka waxaa nooga baxay $ 69734 lacag dhan waxaa hada noo yaala $156000 oo kaash ah oo nooyaala bangiga ayay sii raacisay mama caasho geele diiriye.

Gudoomiyaha gobolka mudug mudane xasan maxamed khaliif oo soo xirey kullankii lagu soo bandhigay lacagtay, wuxuu amaanay shaqada ay qabteen gudiggaa dib udhiska isbitaalka guud ee gobolka mudug, wuxuuna ka markhaati kacay in si wanagsan loo maamulay dhaqaalaha isbitaalka loogu tala galay.

Gabagabadii, Isbitaalka guud ee gobolka mudug ayaa waxaa khasaare xoogani kasoo gaarey qaraxyo mataanaa kuwaasi oo 2/8/2016 lala eegtay xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo oo dhica koonfureed uga dhagan isbitaalka guud waxaana bur burey dhamaan qaybtii bukaan jiifka.

Cabdulaahi Yare

Galkacayo, Puntland, Somaliya

Horseed media 2016

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *