Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqey Xisbiyada Puntland yeelatey

Published: July 31, 2023
TPEC

Guddiga Kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqey Xisbiyada Puntland yeelatey

Guddigii kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland Transitional Puntland Electoral Commission d ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey Xisbiyada syaasadeed ee Puntland ay yelanayso shanta sano ee soo socota. Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen ku faahfaahiyey in xisbiyadan ay buuxiyeen shuruudihi loo baahnaa, sidoo kale maxkamadda sare ay xaqiijisey natiijadii doorashada.

Xisbiyada siyaasadeed ee rasmig noqonaya ayaa kala noqonaya: Kaah, Mideeye, Sincad, Mustaqbal, Ifiye, Shaqaalaha, Runcad iyo Horseed, waxaana ay u kala horeeyaan sida ay xubno uga heleen doorashooyinkii 33 degmo ka dhacay 50 degmo ee dastuuriga ah.

Baarlamaanka Puntland ayaa isbeddel ku sameeyey dastuurka Puntland oo dhigaayey in dalku yeelanaayo saddex xisbi oo keliya taas oo doorashada lagu galay markii hore, waxaana isbeddelka loo sameeyey in dhamaan ururadii ka qayb-qaatey doorashada ay noqdaan xisbiyo siyaasadeed.

Doorashadii Puntland waxaa ka qaybqaatey 9 urur siyaasadeed, waxaa hadda harey urur siyaasadeedka Dhalinyarada oo aan wax xubno ah k ahelin goloyaashii deegaanka.

Saddexda degmo ee garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ayaan ka qaybqaadan doorashadii, waxaa iska diiwaan geliyey 60 kun oo qof oo codbixiyaal ah, waxaa muuqata in aysan hadda natiijada soo baxdey waxba ku lahayn.

Ilaa hadda lama gaarin heshiis siyaasadeed, waxaa la is weydiinayaa mudada yar ee u harsan mamaulkan in ay qabtaan doorasho in ay ku qaban karaan.

Isbeddalka lagu sameeyey dastuurka Puntland ayaa sababey dagaal culus oo ka dhacay magaalada Garoowe taariikhdu markey ahayd 20 Juun 2023, waxaana ku nafwaayey dad aad u badan. Waxaa baaqdey shir ay isugu imaan lahaayeen odoyada dhaqanka ee Puntland ee loo yaqaan Isimmada si ay xal ugu helaan siyaasadda murugsan ee Puntland shirkooda ayaa u baaqdey kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay. Ururka ugu weyn mucaaradka ee Mideeye isla markaana doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ka galay kaalinta labaad ayaa si weyn uga soo horjeeda tallaabooyinka xukuumaddu qaadey ee ay sharciga u dhigtey sida ay iyadu doonto. Siyaasiyiinta kale ee madaxa banaan ee qaarkod hubeysan yihiin ayaa iyaguna ka soo horeeda isbeddelaadka aan heshiiska ku dhisneyn ee loo marey wax ka beddelka dastuurka.

Horseed Media