Muqdisho:Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Barlamaanka oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

Published: January 1, 2017

xildhibaanadda labad aqal ee barlamaanka federaalka ayaa maanta lagu wadaa ina kullankooda maanta ay ku yeelanayaan xarunta gollaha shacabka ee muqdisho ay ku doorteen guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyayaasha barlamaanka.

Sida qorshuhu yahay maalmaha soo socda ayaa la filayaa in barlamaanku yeesho guddoomiye iyo labo guddoomiye k/xigeen, kuwasoo sii ambaqaadi doona doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo bishan january 2017ka.

kullankii shalay ee xildhibaanada yeesheen ayay kaga doodeen lacago shardi looga dhigay murashixiinta u tartamaya guddoonka Barlamaanka federaalka iyagoo meel mariyay soojeedintii Hoggaanka Madasha sare taas oo dhigeysey in musharaxa Madaxweynuhu bixiyo 30.000USD. Musharixiinta Afhayeenka labada Aqal ayaa iyagana lagu xiray in ay bixiyaan 15.000USD.

Horseed Media 2016

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *