Guddiga Doorashada Madaxwaynaha JFS oo iska dhex dooranaya Gudoon hogaamiya

Published: May 5, 2022

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa furay kulankii ugu horreeyay Guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya Doorashada Madaxwaynaha JFS oo maanta iska dhex dooranaya Guddoomiyaha Guddigaas.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka.

Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha Guddiga ayaa kala:

1.Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey
2.Senator Cabdiqani Geele Maxamed.
3.Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Halka Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka ay kal yihiin:

1.Senator Ibraahim Owgaab Cismaan
2.Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed

3. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *