Guddiga doorashooyinka ee Nijeria oo sheegay in xilka madaxweyennimo ee dalkaas uu ku guulaystay Axmed Bola Tinubu

Published: March 1, 2023

Guddida doorashooyinka ee dalka Nijeria ayaa ku dhawaaqay in uu tartankii madaxweyennimo ee dalkaas uu ku guulaystay musharraxa Xisbiga talada haya, Axmed Bola Tinubu kaas oo helay in ka badan 8.8 milyan oo ka mida codadkii la dhiibtay.

Balo Axmed Tinubu waa 70 jir Muslin ah, sidoo kalena waa taajir siyaasadda in badan dalkaas ka soo shaqeeyey. Wuxu soo noqday Maayirkii magalada Lagos.

Wuxu beddeli doonaa madaxweynaha haatan xilka haya ee Maxamaduu Buhaari kaas oo xilka hayey tan iyo 2015 kii.

Dhinaca kale xisbiyada Mucaaridka ayaa si weyn u qaaddacay doorashada iyaga oo ku tilmaamay in la sameeyey is daba marin iyo ku shubasho balse ma jirto wax rabshado ah oo ilaa hadda dalkaas laga soo weriyey.

Nijeria waa dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika waana waddan si weyn isha loogu hayey doorashadiisa maaddama oo laga cabsi qabay khalkhal amni oo halkaas ka dhaca.

Horseed Media