Guddiga doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqey xiliga diiwaangelintu bilaameyso

Published: November 26, 2022
Shares6
Cabdinuur Sheekh Maxamed isxaaq afhayeenka guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland

War saxaafadeed ka soo baxay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland TPEC ayaa lagu sheegay sida uu qabo xeerka diiwaan-gelinta codbixiyaha in 15 maalmood ka hor la shaaciyo marka ay diiwaan gelintu bilaameyso, sidaas darteed guddigu ku dhawaaqayo in ay bilaabayaan diiwaan gelinta, waxaana saxaafadda u akhriyey afhayeenka guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Guddiga ayaa sheegay in saddex gobol ay diiwaan gelinta ka bilaabayaan taariikhdu markey tahay13 Diseembar 2022, kuwas oo kala ah gobolada Bari, Gardafuul iyo Karkaar oo horey isugu ahaan jirey hal gobol.

Diiwaan gelinta ayaa socon doonta muddo 45 maalmood ah sida lagu sheegay war saxaafadeedka, ma cadda in diiwaangelinta 37 degmo oo dhan ay socon doonto muddo 45 maalmood ah iyo in saddexdan gobol oo keliya socon doonto 45 maalmood.

Warka ka soo baxay TPEC ayaa ku soo beegmaya iyada oo Axadda 27 bishan Nofeembar ururada siyaasaddu u ballansan yihiin shir wadatashi oo la xiriira doorashada iyo xaaladaha ku gedaaman.

Muddada u harsan xukuumadda hadda jirta ee Madaxweyne Deni ayaa aad u yar waxaana la is weydiinayaa sida la isu waafajin karo mudada harsan iyo shaqada taala, qaar kamid ah ururada siyaasadda ayaa welwel ka muujiyey qaabka xukuumaddu wax u waddo, iyo aamusnaanteeda la xiriirta is waafajinta mudada harsan iyo hawsha baaxadda leh.

Horseed Media