Guddiga Xalinta Khilaafaadka Iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Oo Soo Saaray Shuruudaha Laga Rabo xildhibaanada

Published: December 17, 2023

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiiladda Puntland, ee lagu muransan yahay, ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay qabashada araajida xildhibaanada, iyagoo soo saaray sharuudaha laga rabo xildhibaanka.

Shaacintooda ayaa kusoo aaday, kadib markii ciidamo katirsan kuwa badda Puntland oo ka amar qaadanayay madaxtooyada, ay la wareegeen xarunta baarlamaanka Puntland, halkaas oo la dajiyay guddigaan.

Kadib markii ay guddigan soo saareen warkan, qaar kamid ah Isimada SSC- Khaatumo ayaa  walaac ka muujiyay shaqada guddigaan oo ay ku jiraan xubo kasoo jeeda SSC- Khaatumo, kuwaas oo bilaabay shaqadooda, iyadoo aan go’aan laga gaarin 17-ka xildhibaan ee beesha Dhulbahante  ku lahayn baarlamaanka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media