Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo kahor yimid qodobo kamid ah habraacii doorashada Xildhibaanada…

Published: October 31, 2021

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa kahor yimid qodob kamid ah habraacyadii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka kuraasta xildhibaanada Gobollada Woqooyi.

Qodobka uu ku gacan seyray Guddiga ayaa qeexaya in wixii khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan ay xallin doonaan, oo go’aan kama danbeys ah ay ka gaari doonaan Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorasthada Dadban ee 2020/2021 isaga oo tixraaceyna Habraaca Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee soo baxay Tr 30/10/2021. Qodobka 3 farqadiisa 12 ee u qoran sidatan (wixii Khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxaa xallin doona oo go ‘aan kama danbeys ah ka soo saaraya Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland), isla markaana qodobkaas uu si toos ah uga hor imaanayo mas ‘uuliyaadka loo igmadey Guddiga xalinta Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood shari ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhusha Doorashooyinka dadban 2020-2021.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa sheegay in qodobkan uu si toos ah uga hor’imaanayo mas’uuliyaadka loo igmaday Guddiga Xallin Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha Doorashooyinka dadban.

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada dadban wuxuu xasuusinaynaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka Heer Dawlad Goboleed (SEIT) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (FET) in ay dhawraan dhamaan Heshisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021. Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca sulista
ergooyinka doorashada iyo Qodobkiisa Saddexaad ee Hindisaha Daahfurnaanta Doorashada 2021.

ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *