Guddodoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu soo dhoweeyey magaalada Garoowe

Published: November 3, 2022

Guddodoomiyaha Golaha Shacabka BFS ahna ku-simaha Madaxweynaha JFS, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Guddodoomiyaha iyo wefdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Masuuliyiinta ka tirsan Goleyaasha Puntland, Xildhibaanno kamid DFS, Saraakiil & dadweyne kale.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu ku yimid Puntland waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS, iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa.

Waa safarkii ugu horreeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Aadan Madoobe uu soo gaaro Puntland tan iyo markii la doortay.

Horseed Media