Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland: Doorashadu 8da January ayey dhacaysaa.

Published: September 17, 2022

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo mudooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Caasimadda Garoowe.

Guddoomiye Cabdirashiid oo ka hadlay dimuqradiyadda Puntland, ayaa bulshada ka codsaday in lasoo dhoweeyo nidaamkan isagoo hambalyeeyey fariisinta golaha deegaanka degmada Eyl oo kamid ah seddexdii degmo ee ku yimid doorashada qof iyo cod.

Sidoo kale Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ballanqaaday inay doorashada madaxtinimada Puntland oo haatan ka dhiman tahay sanad iyo dhowr bilood ay ku dhici doonto waqtigeedii 8da January 2024.

Hoos ka daawo:

Horseed Media