Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Puntland Xasan Yuusuf Nuur oo xilka la wareegay

Published: November 7, 2022
Shares14

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xilka ukala wareejiyey Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) iyo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Xasan Yuusuf Nuur.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta Maxkamada sare inay si caadaalad ah ugu adeegaan bulshada.

Sidoo kale waxa uu u sheegay inay ka hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara masuuliyada ay hayaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan Xasan Yuusuf Nuur u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland kadib markii Golaha Wakiiladda ay dhowr jeer oo hore ay diideen ansixinta magacaabista Axmed Taaraan.

Horseed Media