Guddoomiyaha cusub ee caasimadda Puntland ee Garoowe, Geeddi Tuure oo xilkii la wareegay.

Published: September 21, 2022
Shares98

Shir si wanaagsan loo soo abaabuley oo ay ka soo qaybgaleen, inta badan waxgaradka Puntland gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Nugaal oo uu ugu horeeyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, nabadoono iyo cuqaal kale, sidoo kale ay ka soo qaybgaleen qaybo kiamid ah xukuumadda Puntland, ayaa waxaa maanta si rasmi ah xilkii kula wareegay Geedi Axmed Tuure oo dhawaan Madaxweynaha Puntland xilka u soo magacaabey.

Axmed Barre guddoomiyihii hore ee caasimadda Puntland ee dhawaan xilka laga qaadey oo khudbad kooban ka jeediyey madasha xil wareejinta ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay ninka la soo magacaabey, haddii aan shaqadiisa lagu faro galin.

Waxaa ku kalsoonay in horumarkii caasimaddu halkiisii kasii socon doono, maadama aan ogahay kartida waxqabad ee gudoomiyaha cusub haddii aan la faragelin. waxa uu bulshada ka codsadey in ay la shaqeeyaan Guddoomiye Geedi.

Dhanka kale Axmed Barre ayaa ka codsadey Madaxweynaha Puntland in ay dedejiyaan dhismaha golaha deegaanka oo mayorka cusub ku yimaado dooroasho iyo gole deegaan oo dhisan taas oo ku xiran mashaariicda socota.

Waxaan madaxda Puntland ka codsanayaa inay dedejiyaan dhismaha golayaasha deegaanka, maadaama mashaariicda horumarintau ku xiran tahay, uguna hormariyaan golaha deegaanka ee caasimadda Garoowe.

Axmed barre

Suldaan garaase oo xilwareejinta ka hadley ayaa soo dhaweeyey Maayorka cusub, sidoo kale waxa uu sheegay in Axmed Barre la guddoonsiiyey billad sharaf, tas¨¨asna ay sharaf ugu filan tahay, waxaana uu ku kaftamey, in shaqada looga joojiyey markii uu kacaanka Puntland ka dheereeyey.

Madaxweynaha Puntland ayaa wada abaabul xooggan oo ku aadan in goloyaasha degmooyinka la soo doorto bilowga sanadka 2023, lama saadaalinaayo in gole deegaan oo beelaha caasimadda degaa iska soo xulaan ay Garoowe degdeg u yeelan doonto, waxaana khatar ku jirta in mashaariic badan ay ka istaagto caasimadda.

Horseed media