Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka DFS oo gaaray dalka Jabuuti.

Published: February 29, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Jabuuti ee Xarunta Dalka Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Doyaaradaha Ee Dalka Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumud iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkaas.

Gudoomiyaha Maxamed Mursal Sheekh ayaa casumaad ka helay dhigiisa, waxa uuna ka qeyb geli doonaa furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *