Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madooobe oo booqday xarunta Golaha Wakiillada Puntland

Published: November 5, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Aadan Maxamed Nuur (Madooobe) iyo masuuliyiinta uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugan Puntland ayaa maanta booqday xarunta Golaha Wakiillada Puntland, waxaanna halkaas ku soo dhoweeyey Guddoonka Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxda kale ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee Aqalka Wakiillada Puntland oo uu ku jiro Hoolka weyn ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka DFS ayaa ku bogaadiyey Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland shaqada muuqata oo ku soo kordhiyey Aqalka Wakiillada oo ay ku jiraan xafiisyo cusub oo loogu talagalay Guddiyada Golaha & Howl-wadeenada.

Ugu dambeyn, Madaxda Goleyaasha DFS & Puntland ayaa yeeshay shir gaar oo ay uga arinsanayaan sii xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Horseed Media