Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Golaha Dhaqanka KGS oo kawada hadlay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Published: December 15, 2022
Shares2

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur galbeed.

Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo ka tirsan 135-ta oday iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankooda waxaa looga hadlay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay Guddoomiyaha iyo sidii kooxda Al-shabaab looga xorreyn lahaa deegaannada maamulka KGS.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa duubabka dhaqanka ka talageliyay arrimaha dib uheshiisiinta si loo gaaro midnimo iyo isku-tashi, waxeyna si buuxda u taageereen shirka.

Sidoo kale Golaha Malaaqyada Dhaqanka ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ka dalbaday in si deg deg ah loogu dhawaaqo maalinta uu furmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Horseed Media