Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Published: January 11, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe oo ku guda jira kulamadii uu la yeelanaayo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha amniga ayaa la kulmay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Gudoomue Aadan Madoobe ayaa golaha  kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur galbeed.

Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyeen sida uu wakhtiga badan ugu bixinayo in bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadan ay heshiis nabadeed u wada qaadan lahaayeen, iyagoo adkeeyay in ay hormuud ka noqon doonaan Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen markale inay kulan looga hadlaayo gogol nabadeed oo dan u ah dadka reer Koonfur Galbeed, muhiim na tahay in laga wada heshiiyo madmadowga ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo bulshada.

Horseed Media