Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Madaxda Puntland kala hadlay xaalada abaaraha

Published: November 4, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho, iyagoo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada guud ee deegaannada Puntaland iyo abaaraha ka jira dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay horumarada iyo isku tashiga ay sameeyeen dadka reer Puntland.

Sidoo kale Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay garab taagan tahay cidka kasta oo sameeysa horumaro.

Horseed Media