Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland oo magacaabey 3 xubnood oo PEC ah.

Published: July 31, 2023
Shares50

Qoraal ka soo baxay afhayeenka baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayuu ku magacaabey saddex xubnood oo ka mid noqonaya guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

Saddexda xubnood ee guddoomiyhu magacaabey waxaa kamid ah Xildhibaan Fuaad Abshir Adeer oo kamid ah Golaha Wakiilada ee Puntland lagana soo doorto Burtinle iyo gobolka Mudug.

Xubahan ayaa kala ah:

  1. Fuad Abshir Axmed
  2. Axmed Jaamac Maxamed
  3. Axmed Maxamuud Cumar (KK).

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa lagu wadaa in ay noqdaan tiro aad u badan kuwaas oo gaaraya 14 xubnood, Madaxeweynaha iyo Baarlamaanka waxaa ka imaanaya 6 xubnood halka 8 kale ay ka imaanayaan Xisbiyada siyaasadeed.

Sida uu qabo dastuurku xubnaha waxaa magacaabaya Golaha Wakiilada, ugu yaraan waa in ay shir isugu yimaadaan oo wadatashi ah, dastuurku ma siinaayo awooda in guddoomiyaha keligiis magacaabo.

Horseed Media