Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo

Published: November 22, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gaaray magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Baydhabo kusoo dhoweeyay wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha.

Socdaalka gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah ka qeybgalka Shirka Xildhibaannada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashoodu tahay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale sidii Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay uga arrinsan lahaayeen wax ka bedalka dhismaha iyo awood qeysbiga dowlada Soomaaliya, howlgalka wajiga 2-aad ee dagaalka iyo wax ka qabashada saamaynta fatahaadaha.

Horseed Media