Guddoomiye Aadan Madoobe oo saraakiisha ATMIS kala hadlay sugida amniga Baydhabo

Published: January 10, 2023
Shares4

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada Baydhabo ee KMG Koonfur galbeed iyo nawaaxigeeda.

Saraakiisha ciidanka ATMIS ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka u sheegay inay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Horseed Media