Guddoomiye Banadir & Duqa Doha oo ka wadahadlay mataaneynta Muqdisho & Doha

Published: December 11, 2023

Guddoomiyaha goobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulanka labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska Mataaneynta Muqdisho iyo Doha, taageeridda mashaariicda dhismaha Bullaacadaha Muqdisho, helida sida Gaadiidka kala duwan ee lagu xoojinayo bilicda Caasimadda iyo horumarinta labada Magaalo.

Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kaste oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo dardargalin qorshaha mataaneenta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay markale caga heeda ugu istaagi laheyd.