Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Published: August 29, 2024

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gddoomiyaha oo safar caafimaad dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabduullaahi Cumar Abshirow, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaare ku xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Horseed Media