Guddoomiye Madaale Oo La Kulmay Maamulka Magaalada Belgrade ee dalka Serbia

Published: June 16, 2023

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo booqasho ku jooga Magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Guddoomiyaha oo la kulmay duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić ,waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo dib u mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade iyo in khubaro injineero ah loo soo diro Muqdisho si ay daraasad rasmi ah ugu sameeyaan habka biyo-mareenka Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsamisocodka nuucyada gaadiidka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso Dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta.

Kulankaasi waxaa guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ku wehlinaayey Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Xiriirka Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo diplomaasiyiinta ka howl-gala Safaarada.

Horseed Media