Guddoomiyeyaashii hore ee Garoowe & Gaalkacyo Oo Ku biiray Ururka Sincad

Published: November 23, 2022
Shares8

Ururka Siyaasadeedka Sincad ee Puntland ayaa shaaciyey inay ku biireen siyaasiyiin saamayn ku leh gudaha Puntland, xili dhowaan loo diyaargaroobayo doorashada qof iyo cod ee dhamaan golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka Sincad ayaa lagu sheegay siyaasiyiintaasi inay kala yihiin guddoomiyihii hore ee caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo Guddoomiyihii hore ee magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Cabdinuur.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

UJEEDO: SOO DHAWEYN XUBNO CUSUB OO MIISAAN CULUS KU LEH SIYAASADDA
Arbaca, 23/11/2022

Waxaa sharaf weyn u ah dhamaan xubnaha Urur Siyaasadeedka SINCAD iyo taageerayaasha Ururka in aan ku soo dhaweyno Ururka SINCAD xubno miisaan weyn ku leh taariikhda iyo siyaasadda Puntland, waxaan soo dhaweyneynaa Guddoomiyihii hore ee caasimadda Puntland ee Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo guddoomiyihii xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan. Labada masuul ayaa xilal kale oo kala duwan ka soo qabtey Puntland, Axmed Barre waxa uu laba jeer soo noqdey xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada ee Puntland, sidoo kale Eng. Maxamuud Cabdinuur ayaa muddo dheer ahaa Agaasimihii hay’adda waddooyinka ee Puntland.

Waxaa hubaal ah in aad ururka SINCAD gaarsiin doontaan meel wanaagsan idinka oo adeegsanaya khibradda iyo waaya-aragnimada aad leedihiin iyo sumcadda wanaagsan ee aad bulshada ku dhex leedihiin.

Horseed Media