Guddoonka Golaha Shacabka oo sheegay in xiisadda Laascaanood aysan ka aamusin oo xalkeeda ay ku jiraan

Published: February 20, 2023
Shares16

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo maanta shir guddoomiyey kulanka ay yeehseen golaha shacabka ayaa sheegay in xiisadda Laascaanood aysan ka aamusin oo xalkeeda ay ku jiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibtaada ka tagaan magaalada Laascaanood ee xaryunta gobolka Sool, isagoo tilmaamay in xalka arintaas ay ka qeyb qaadan doonaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood uu ku aaday xilli lagu weday inay wada hadalo u furmaan Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in u istaagi doonaan sidii xabada ka socota Laacsaanood xal loogu bedeli lahaa looguna gurman lahaa dadka ay dhibaatada ka soo gaartay.

Hadalka Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli maanta qabteen mooshin culus oo dalbaday in ajendaha lagu soo daro xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Horseed Media