Guudlaawe Oo La Kulmay Madaxda Shirkada Dhisaysa Wadada Jowhar Ilaa Muqdisho

Published: July 15, 2021

Madaxweynaha Dowladda Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Maamulka shirkada ku howlan dhismaha wadada laamiga ah ee Muqdisho iyo Jowhar.

Madaxweynaha ayaa Masuuliyiinta shirkada ka dhageystay warbixinta dhismaha wadada laamiga ah halka uu marayo goorta la filayo in lasoo gaba-gabeeyo.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dadaalka iyo dardargelintooda dhismaha wadada, isagoo u rajeeyay in muddo kooban kusoo dhameeyaan dhismaha laamiga xiriiriya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *