Halla Airlines oo Duulimaad Caalami ah ka bilowday Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Published: June 9, 2021

Dowladda Puntland ayaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ka daah-furtay Duullimaad Caalami ah oo ay soo kordhisay Shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines.

Duullimaadka Shirkadda Halla Airlines ayaa noqonaya mid isku-xiraya magaalada Shaariqa ee waddanka Imaaraatka Carabta iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso, islamarkaana uga sii gudbi doonto Muqdisho.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley), ayaa si rasmiya u daah-furay Duullimaadkan oo todobaad kasta Maalinta Talaadada ay Diyaaraddu ku tegi doonto Boosaaso.

Duulimaadkan Caalamiga ah ayaa haqabtiri doona baahida Bulshada Puntland ay u qabaan in ay helaan duulimaadyo Caalami ah oo ku xira wadamada caalamka waxaana daahfurka duulimaadkan uu waxbadan kusoo kordhin doonaa garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *