Published: October 30, 2024
by: Ali. Y
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraarka cusub oo magaca loogu beddelayo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo loo bixiyey Hawlgalka Kaalmada Ku-meel-gaarka ah, UNTMIS, iyada oo hannaanka kala-guurka uu bilaabmayo 1 November 2024
Hay’dda Qaramada Midoobaya ayaa dib u cusboonaysiisay shaqada xafiiskeeda Soomaaliya (UNSOM, waxaana hadda hawgalka cusub loo bixiyey Xafiiska qaramada midoobay ee kumeelgaarka (UNTMIS).
Xafiiska cusub ayaa sii wadi doona howlgalka Soomaaliya muhiimka u ah ee nabad-dhisidda, dib-u-habeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo mudnaanta sharciga, iyo hubinta in dadaalladaas la sameeyo iyadoo la dardargeliyo dadaallada amniga.
Horseed Media