Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka Federaalka oo ku shiray Muqdisho

Published: February 3, 2020

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gudoomiyay kulan-howleed u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Shirka oo ku qabsoomay xarunta Gudigga Madaxabanaan ayaa waxaa looga dooday arrimaha horutabinta u baahan ee qorshihii ay hay’adaha ku heshiiyiin kol hore, la-tashiyada iyo wacyigelinta dadweynaha ee wax-ka-badelka dastuurka iyo arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed.

Ugu horeyn, Waxaa shirka warbixinno ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo xubno kamid ah Gudigga Baarlamaanka iyaga oo sheegay in ay gebogebo marayaan qodobada dastuurka ee u baahan in si farsamo ah loo saxo balse ay lagama maarmaan tahay in loo guntado sidii arrimaha wadaxaajoodka siyaasadeed u baahan looga shaqeeyn lahaa.

Wasiir Salaax Axmed Jaamac oo shirka ka hadlay ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay ka wasaaarad ahaan inaan qaybteena ka fulino qorshihii aan kol hore ku heeshiinay si loogu guuleytso dhameeystirka dastuurka, si taa lamid ah waxaa dedaal badan ku bixineynaa sidii arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed loo soo dhameeystiri lahaa”.

Ugu dambayn, seddexda hay’adood ayaa ku ballamay inay joogteeyaan wadashaqeynta ayna dardargeliyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *