Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho kulan ku yeeshay.

Published: February 29, 2020

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kulankaayaa looga hadlay howlaha horu-tabinta u leh dhameeystirka dastuurka.

Shirka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee ay ku shaqeeyaan gudigga Baarlamaanka ayaa qodobada looga dooday waxaa kamid ahaa is-wareysi ku aadan howlaha u qabsoomay seddexda hay’ad iyo howlaha taagan ee u baahan in la qabto.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray shirka ayaa laga dooday dhinac kasta oo qayb ka ah shaqadaan waxa u hirgalay. “Sida aad la socotaan waxa aan kulamo-howleedyo la yeelanay in ku dhow 20 wasaarad oo katirsan XFS, kulamadaas oo lagu lafagurayay wasaarad walba doorka ay ku leedahay dhameeystirka dastuurka si loo helo aragti mideysan oo Dowladda Federaalka ku wajeheyso dhameeystirka dastuurka lagana hortago in hay’adaha dowladda isbar-baryaacaan si aanu dib-u-dhac ugu imaan dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdi Qaybdiid iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Gudigga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Marwo Muumino Sheekh ayaa si wadajir ah uga warbixiyay howlaha u qabsoomay iyaga oo sheegay in ay dhamaad ku dhowdahay qodobada dastuurka ee farsamo ahaan u baahan in la saxo.

Sidoo kale labada guddi waxa ay sheegeen iyaga oo fulinaya codsi ugu yimid Gudoonka Baarlamaanka in dhowaan marka uu furmo Kala-fadhiga Baarlamaanka ay horgeeyn doonaan warbixin soo koobeysa howlaha dib-u-eegista dastuurka.

Ugu dambayn, seddexda hay’ad ayaa wax ay ku ballmaan in la joogteeyo wadashaqeynta lana kordhiyo kulamada la-tashiga dadweynaha si waqtigii loogu talagalay loogu dhameeystiro dastuurka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *