Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay maamulka hawada dalka in lagu wareejiyey dal kale oo shisheeye,…
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa beenisay maamulka hawada dalka in lagu wareejiyey dal kale oo shisheeye, taasoo ay ku tilmaameen waxba kama jiraan, macquulna ahayn in xiligan Soomaaliya hawadeeda loo maamulo.
War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka oo lagu qoray barteeda internetka ayaa lagu sheegay inuusan jirin qorshe dowladdu doonayso inay ku wareejiso maamulka hawadeeda.
War kasoo yeeray hay’adda duulista ayaa kusoo beegmay iyadoo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bartiisa internetka ku qoray war qoraal ah oo uu uga digayo in maamulka hawada dalkeena lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka Carabta.
Horseed Media