Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo ka Warbixisay Qasaaraha Fatahaadaha

Published: November 7, 2023

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayey ku sheegtay in bilowgii bisha Oktoobar guud ahaan dalka ka-curtay roobka Deyrta.

Roobkaan ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira naf iyo maal, wuxuuna sababay in qaar magaalooyinka go’doomaan.

Khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho, barakac iyo bur-bur hantiyadeed.

Tirada saamaynta tooska ah ku yeelatay 850,000 qof.

1. Dhimashada guud 29 qof.

2. Dadka ku barakacay 305,000 qof.

Roobabkaan ayaa si xooggan uga da’ay Koofurta iyo Bartamaha dalka gaar ahaan Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Gobolada Gedo, Baay iyo Bakool ayey dadka ku dhinteen kuwa badana ay ku barakaceen isla markaana ay ku hanti beeleen.

Xiligan Dayrtu wali waa bilow, waxayna saadaashu sheegeysaa in ay xaaladu ka sii dari-doonto sida ay hada tahay.

Hay’ada ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka feejignaadaan wax kasta oo khatar galinkara naftooda iyo Maalkooda, una dhaga nuglaadaan fariimaha digniinta ah. 

Horseed Media