Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka oo kaalmo raashin ah ku wareejisay maamulka gobolka Gedo

Published: February 1, 2024

Munaasabadd kooban oo ka dhacday Baqaarka kaydka raashinka hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa maanta Guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macallim Cabdulle waxa uu shixnad raashin iyo daawo iskugu jirta ku wareejiyey guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Raashinkaan ayaa gaaraya 3,000 oo tan, sidoo kale waxaa wehliya shixnad daawo ah, waxaana hay’adda SoDMA gargaarkaan ugu talagashay in la gaarsiiyo Shacabka ku dhaqan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Gedo oo kamid ah goobaha ay sida ba’an u saamaysay fatahaadaha iyo Daadadka El-Niño.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa xusid mudan in hore Gobolka Gedo u gaarsiisay Doonyo nuuca dheereye oo waqtigaas loogu talagalay in lagu samata-bixiyo Shacabka ku go’doomay Fataahadaha iyo daadadkaas.