Israel oo duqeyn horleh ka wada Beyruut, xili la hadal hayo xabad joojin

26 November, 2024

Ciidamada Israel ayaa weeraro kale oo dhanka cirka ah ku qaaday caasimada Lubnaan, iyagoo halkaasi ku dilay ugu yaraan 31 qof 24 saac gudahood.

Xisbullah ayaa sidoo kale dib u billaabay gantaallada ay ku ridayso Israa’iil.

Maanta oo Talaada ah ayaa lagu wadaa in xukuumada Israel ka jawaabto qorshe xabad joojin ah oo uu Mareykanka garwadeen ka yahay.

Golaha ammaanka ee Israa’iil ayaa u muuqda inay ansixinayaan qorshe xabbad-joojin ah oo lala galo Ururka Xisbullah ee Lubnaan, iyadoo tafaasiilkii ugu dambeeyay laga shaqeynayo, sida ay wararku sheegayaan.

Milatariga Israa’iil waxa uu ku tilmaamay goobaha, la duqeeyay intii lagu guda jiray weeraradii ay ku qaadeen xaafadaha koonfureed ee Beyruut, in ay yihiin kaabayaal milatari oo ay isticmaalaan “cutubka gantaalaha badda” ee Xisbullah iyo “xarunta taliska”.

Lubnaan, ugu yaraan 3,768 qof ayaa lagu dilay, 15,699 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka.

Horseed Media