Ciidamada Ruushka ayaa weerarkoodii ugu weynaa abid ku qaaday Ukraine habeenimadii xalay, iyaga oo jaray korontadii inta badan gobolka Ternopil ee galbeedka dalkaasi, isla markaana waxyeelo u geystay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla gobolka Kyiv, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine Talaadadii.
Weerarada xoogan ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ee lagu qaaday magaalooyinka Ukraine ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ruushku uu si weyn uu culeys u saaray jiidaha hore ee bariga Ukraine, halkaas oo ciidamada Ruushku ay sameeyeen qaar ka mid ah guulihii dhuleed ee ugu weynaa tan iyo sanadkii 2022-kii.
Duulaanka 188 ah diyaaradaha Drones-ka, ayey Ukraine soo ridday 76.
Weerarku wuxuu waxyeeleeyay korontada Ternopil, oo ah magaalo weyn oo ku taal galbeedka Ukraine, wuxuuna jaray koronta ilaa 70% gobolka, gudoomiyaha gobolka Vyacheslav Nehoda ayaa u sheegay telefishinka qaranka.
Weerarku waxa kale uu gooyay biyihii iyo sahaydii tamarta, madaxa xarunta dhexe ee difaaca gobolka Serhiy Nadal ayaa sidaa ku sheegay app-ka fariimaha ee Telegram-ka.
Horseed Media