Trump oo ku goodiyey inuu sare u qaadayo canshuurta badeecadaha laga keeno Mexico, Canada iyo Shiinaha

26 November, 2024

Donald Trump oo mar kale cashuur ku ciqaabaya dalalka ay deriska yihiin ee Kanada iyo Meksiko

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu ku soo rogi doono canshuur dhan 25 boqolkiiba dhammaan badeecadaha ka yimaada Mexico & Canada iyo 10% Shiinaha si looga hortago qulqulka qaxootiga iyo ka ganacsiga daroogada.

Ku dhawaaqida Trump ee Isniintii ayaa ruxday suuqyada caalamiga ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ayuu Trump ku sheegay in uu canshuuro ku soo rogi doono badeecadaha Mexico iyo Canada laga soo dejiyo maalin walba inta laga soo afjarayo muhaajiriinta aan sharciyeysneyn iyo daroogada la keenayo dalkooda.

“Mexico iyo Canada labaduba waxay leeyihiin xaq iyo awood buuxda oo ay si fudud ku xalin karaan dhibaatadan,” ayuu yidhi Trump.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu sare u qaadi doono 10% canshuuraha Shiinaha, ilaa waddankaasi uu qaadayo tallaabo lagu joojinayo daroogada fentanyl-ka.

Horseed Media