Jubaland: Dowladda Federaalku ma ka guuleysan kartaa Axmed Madoobe?

26 November, 2024

Axmed Maxamed Islaan ma ahan nin meelna uga socda Jubaland, waxa uu lee yahay taariikh dheer oo Jamhadeyn ah

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo markii saddexaad hoggaaminaaya Jubaland ay isla galayaan dagaal adag kaas oo ah mid siyaasadeed, mid sharci iyo weliba mid military.

Kadib markii Madaxweynaha Jubaland ay doorteen Xildhibaano uu soo xushay markii saddexaad maalintii isniinta, ayaa xukuumadda Xamse Cabdi Barre kaga falcelisey laba tallaabo.

  1. Ciidamada sida gaarka ah tababaran ee Gorgor oo uu hoggaaminaayo taliyaha ciidankaas ayaa isla maalintii doorashada ka degay garoon macmal ah oo ku yaala Raaskaambooni.
  2. Isla habeenimadii Isniinta waxaa shir degdeg ah isugu yimid Golaha Xukuumadda Federaalka ah, waxay sharci darro ku tilmaameen doorashadii Axmed Madoobe oo ay ugu yeereen “hoggaamiyihii hore ee is-doortay”, golaha xukuumadda ayaa garyaqaanka guud ka codsadey in uu maxkamadda sare horgeeyo gal-dacwadeed ka dhan ah doorashada.

Haddaba su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah Dowladda federaalku maka guuleysan doontaa Axmed Madoobaha Jubaland ka talinaayey tan iyo markii la asaasey, kaas oo la soo shaqeeyey saddex Madaxweyne Federaalka ah oo is bedalay iyo 6 raysalwasaare oo soo maray Muqdisho?.

Axmed Maxamed Islaan ma ahan nin meelna uga socda Jubaland, waxa uu lee yahay taariikh dheer oo Jamhadeyn ah, waxa uu kamid ahaa asaasayaashii ururka argagixisada ah ee al-Shabaab, waxa u galay dagaalo badan oo uu ku dhaawacmey, wuxuu soo marey xabsi ku yaala Itoobiya, sanadkii 2009 ayey dagaal isaga hor yimaadeen isaga iyo kooxdii uu asaasey ee al-Shabaab, kadib waxa uu samaaystey Jamhadda Raaskaambooni.

Sanadkii 2011 waxaa soo martey fursad kadib markii gudaha Kenya lagu afduubtey dalxiisiayaal, taas oo keentey in Ciidamada Kenya ee KDF gudaha u soo galaan Jubada Hoose. Ciidamada Kenya waxaa horey ula socdey ciidamo badan oo Soomaali ah oo tirsanaa maamulkii Azania ee Prf Gaandi ee banaan jooga ahaa, sidoo kale waxaa kula daartey Axmed Madoobe Jamhadiisi Raaskaambooni.

Axmed Madoobe kadib markii uu ka dhamaadey mudada uu xilka u tartami karo oo ahayd laba jeer waxa uu beddalay dastuurkii Jubaland si uu markii saddexaad u tartami karo, taas oo muujineysa in uu yahay nin aan meelna u socon.

Dhibaatada ugu weyn ee Axmed Madoobe haysataa waa raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo ay ka soo wada jeedaan Jubaland, Xamse waxa uu wacad ku marey in Axmed Madoobe uu Jubaland ka qabanaayo oo aanu sii joogi doonin.

RAASKAAMBOONI

Sida muuqata Xamse Cabdi Barre ayaa ka bilaabey shaqada meeshii uu Axmed Madoobe ka soo bilaabey ee Raaskaambooni, waxay ahayd saldhig ciidan oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo hoostaga ATMIS iyo kuwa Jubaland, ciidamada Jubaland ee halkaas ku sugnaa ayaa u badnaa kuwo ka soo jeeda beesha Taliyaha Ciidanka lugta Sarreeya Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ciidamada Jubaland ee ku sgnaa Raaskaambooni ayaa taageeray qorshaha Dowladda Federaalka ah ee ciidamo lagu dejinaayo Raaskaambooni, Dowaldda ayaa geysey ciidamo tijaabo ah kuwaas oo hordhac u ah ciidamo kale, sida xogtu sheegayso Dowladda ayaa qorsheyneysa in ciidamo badan oo lagu qaado doonyo oo la marinaayo badweynta Hindiya la geyn doono Raaskaambooni maalmahan kadib markii lagu guuleystey in ciidamo hordhac ah la geeyo.

Raaskaambooni waa meeshii Axmed Madoobe deganaan jirey ka hor inta ciidamada Kenya u qaban Kismaayo. Waa dhul hawd ah, waxaa aad ugu xooggan weli al-Shabaab, Kismaayo waxay u jirtaa 270km waana shaqo adag in ay si fudud Kismaayo ku gaaraan ciidamo ka baxay Raaskaambooni.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa weli wada qorshe ciidamada ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ay kula heshiineyso si halkaas looga dejiyo ciidamo kale oo dheeraad ah, taas oo keenaysa in Axmed Madoobe gacantiisa ay ku soo harto Kismaayo oo keliya.

Dowladda Federaalka ayaa xiriir la sameysay beelaha deggan gobolka Gedo waxaana ay isku raaceen in laga hortago Axmed Madoobe, iyada oo Dowladdu ay isticmaali doonto ciidamada ku sugan Gedo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen duulaanka Kismaayo.

Axmed Madoobe Xaaladdu waa ku xun tahay?

Axmed Maxamed Islaan ma haysto fursadihii uu haystey labadii xili oo hore. Dowladda Kenya oo ahayd awooda ugu weyn ee u isku halaynaayey kama haysto taageeradii uu heli jirey mid la id ah, Kenya ayaa horey uga codsatey Axmed Madoobe inuusan markii saddexaad tartamin ee uu keeno cid uu raali ka yahay taas oo uu ku gacan sayray.

Dhanka kale Axmed Madoobe waxaa aad ugu yar dhaqaalaha iyada oo cidda kelya oo isku halaynaayo ay tahay Imaaraadka Carabta oo la sheegaayo in uu xiriir dhaw la lee yahay.

Xamse Cabdi Barre ayaa wada qorshe lagu furfuraayo ciidanka Jubaland iyada oo la isticmaalayo dhaqaale xooggan isaga oo ka faa’ideysanaya in uu yahay qof ka soo jeeda Jubaland taasi waxay keenaysaa in uu ku qabsado talada Axmed Madoobaha mudada dheer ka talinaayey Jubaland.

Marka la eego taariikhda Jubada Hoose, waxaa adkaan doonta in si fudud loogu kala adkaado, haddii dagaal toos ah ay noqoto in lagu soo qabto Axmed Madoobe waxay qaadan doontaa muddo dheer, taas oo Dowladda Federaalka ah gelin doonta jaahwareer siyaasadeed.

by Mohamed Osman