Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo Baardheere geysay laba diyaarad oo shixnad gargaar ah

Published: March 25, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Magaaladan waxaa maalin ka hor ku fatahay wabiga Jubba kadib Roob xoogan oo halkaas ka da’ay taas oo ay ku geriyoodeen ilaa 7-ruux.

Sidoo kale isla maalmo ka horeeyey daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 13 qof taas oo dhimashada ka dhigaysa 20 qof halka dadka dhawacyada ay halkaas ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ay marayaan  ilaa laba qof oo rayid ah.

Guddoomiye Maxamuud Macalin waxaa socdaalkan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS, Ahmed Cismaan, Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaacil fartaag, waxaana hay’adda maareynta degmadaas geysay laba diyaarad oo wada shixnad Gargaar  ah oo iskugu jira Raashin, Dhar iyo Daawo.

Horseed Media