Hay’adda Nisa Oo Gacanta Ku Dhigtay 4 Ruux Oo Ku Dil Ku Eedaysan

Published: December 12, 2023

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee ku sugan Degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa maanta gacanta ku dhigay 4 eedeysane oo baxsad ahaa, kuwaas oo 9kii Bishaan dil fool xun ka geystay deegaanka Ilix oo dhanka koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamreeb ee Caasimadda Galmudug.

Eedaysanayaasha oo muddo la baadi goobayay ayaa loo haystaa dilka 2 wiil oo isla dhalatay, oo mid Macalin dugsi ahaa halka kalana uu ahaa dhaqtar caan ka ah degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Falka dilka ah oo salka ku hayay aano qabiil ayaa ahaa mid si weyn ay uga carootay bulshada Deegaanka.

Horseed Media