Hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida oo Xafiis Ka Furatay degmada xuddur

Published: June 12, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ) ayaa maanta  xarigga ka jaray xarunta hay’adda  sirdoonka iyo nabad sugida ee degmada xuddur oo ka mid ah goobaha lagu  dhisay Barnaamijka is-xilqaan.

Madaxweynaha ayaa kormeeray guud ahaan dhismaha ay ka koobantahay xarunta   ha’yada sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka degmada xuddur  waxaana uu shacabka ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixiyeen dib u dayac tirkaan xaruntaan muhiimka u ah degmada iyo guud ahaan amniga.

“Waxaan bulshada ka codsanayaan inay kala shaqeeyaan sugida amniga iyagoo kaashanayo ciidamada sidoo kale waxaan xarumo kale ka furi doonaa dhammaan degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya”Ayuu ku daray Madaxweyne (Lafta-Gareen).

Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee koofur galbeed soomaaliya Cali Cabdulaahi Isaakh (Cali Gantaal) ayaa ka warbixiyey juhdiga ay geliyeen bulshada  xaruunta hay’ada nabad sugida degmada xuddur.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *